Shir weyne mudda ku dhow laba todobaad magaalada Badhan ee gobolka Sanaag uga socday, hoggaanka Dhaqanka beesha Warsangali oo shalay soo xidhmay, ayaa laga soo saaray go’aanno masiiriya oo ku saabsan sheegashada Somaliland ee degaannada beelweyntaasi.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Bayaan ka soo baxay shirka oo ka kooban saddex qodob, ayaa lagu caddeeyay in bulshada Warsangali  ee shirka qabsatay, aysan ka tirsaneyn waxna ku darsan maamulka Somaliland ee ka taliya gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid ku matasha Somaliland.

Waxaa kale oo bayaanka lagu caddeeyay, in beelweynta shirka qabsatay ay u taagantahay, ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, ayna si buuxda uga tirsantahay Puntland oo beeshu wax ka dhisatay, ayna xubno matala ku leedahay golayaasha Puntland.

Bayaanka ayaa ku baaqay, in bulshada ku abtirsata magaca beelweynta shirka qabsatay, ay adkaystaan midnimada iyo isku’ duubnidooda, meelna uga soo wada’jeestaan difaaca dhulkooda ay lagaga soo duulay Hargeysa.

Beesha ayaa Puntland ugu baaqday, in ay gudato waajibka ka saaran ilaalinta iyo difaaca gobolka Sanaag oo maamulka Somaliland uu ku soo qaaday duullaan qaawan sida bayaanka loo dhigay.