Deg Deg Daawo:Puntland Oo Shaacisay in Dhaqaalle Burbur Ku Dhacay sababtana Dusha usaartay Somaliland

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha wakiilada Puntland, oo Khamiistii warbixin siiyay fadhiga Baarlamanka, ayaa shaaciyay in lixdii bilood ee sannadkan u horraysay uu dhaawac culus gaaray dhaqaalaha Puntland.

Guddiga oo mudda lix bilood ah ku hawllanaa uruurinta xogta Dhaqaalaha Puntland, ayaa Golaha u sheegay in guud ahaan Dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhac weyni gaaray tan iyo bilowdii sannadkan, iyadoo meelaha qaarkood saddex-meelood oo hal-meel aysan ka soo xaroon dakhligii laga filayay, sida uu guddiga xusay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dakhliga Kastamka iyo Canshuuraha barriga ay fadhiid noqdeen lixdii bilood ee u horraysay sannadkan, taasina ay dhaawac culus gaarsiisay dhaqaalaha Puntland.

Qodobka labaad ee curyaamiyay shaqaalaha Puntland, ayaa guddigu ku sheegay badeecooyin sharci-darro ah oo ka soo furmay dhinaca Somaliland, kuwaasi oo wasaaradaha ku shaqada’leh ee Puntland ay ka qaadan canshuur yar oo aysan u qalmin in laga qaado.

Badeecadaha ka yimaada Somaliland, oo badankooda laga soo daabulo magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas, kadib marka la ogaado in ay dhaceen, ayaa suuq-xir iyo dhaawac mugleh gaarsiiyay ganacsatada Puntland ee bixiya canshuurta, sida ku cad warbixinta guddiga.

Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in lixdii bilood ee u horraysay sannadkan uu gebi ahaanba fadhiid noqday Bankiga dhexe ee Puntland, uuna haatan u shaqeynayo “sida bakhaar kiro ka qaata wasaaradda Maaliyadda Puntland”.

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha wakiilada Puntland oo ka tala-bixiyay, sida looga gudbi karo hoos u dhaca dhaqaale ee soo wajahay Puntland, ayaa soo jeediyay in la hawl-geliyo Bankiga dhexe ee dowladda Puntland, si loo nidaamiyo hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Waxaa kale oo guddigu soo jeediyay, in lagu dhaqmo Miisaaniyadda dowladda, islamarkaana wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo madaxtooyadu ay joojiyaan lacagaha ay kala baxayaan akoonnada dowladda ee aan Miisaaniyadda ugu qorneyn.