Ciidamada Xoogga Dalka ee Danab,ayaa saakay deegaano cusub kala Wareegay Al-Shabaab ka dib markii ay howlgal ka sameeyeen degaano Hoos yimaada Magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in degaanada ay ka qabsadeen Al-Shabaab ay kasoo qaadi jireen Weerarada ka dhanka ah Ciidanka dowladda ee ku sugan Marko.
Howlgalka ayay sheegeen in ay sii socon doonaan tan iyo inta laga saarayo Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeellaha Hoose