Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa goordhaw u ambabaxay Magaaladda Dhuusa Mareeb,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Sidoo kale Ahlusuna ayaa Madaxweyne Xaaf ka diiday Amar uu kasoo saaray Wafuudda Dowladda Federaalka ah, arinkaasi oo ku saabsanaa in aysan kasoo dagi karin Degaanada Galmudug.

Dhanka kale Qaar ka Tirsan Gaadiidka Dagaalka ee Ilaalada u ah Madaxweyne Xaaf ayaa Garoonka Dhuusamareeb haatan Ku Sugan kuwaa oo Wargaliyey Maamulka Garoonka in Aysan Jirin Diyaarad soo Dagi karta iyadoo ay hawada Soo Gashey Diyaarada Sida wafdiga Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Isku soo wada duboo xaalad cakiran ayaa ka aloosan magaalada dhuusamareeb, Waxaana Laga cabsi qabaa in ciidamada xaaf iyo Ahlu suna isku gacan saraan garoonka magaalada dhuusamareeb.