Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku heshiiyey in magaalada Tukaraq laga hirgeliyo deked qalalan (Dry Port) oo noqota goob lagu kala wareejiyo containerada ka yimaada dekeda berbera labada madax gobol ee SL iyo PL ayaa heshiiskan ku gaaray magaalada Dubai goor hore waxaana u fududeeyey madaxda shirkada DPWORLD ,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Sidoo kale waxaa qayb wayn ka ciyaaray madaxwaynihii hore ee maamulka PL Faroole oo xiriir dhow la leh maamulka SL.


Labada dhinac ayaa wada dhisan doona shirkad ay ku mideeysan yihiin oo maamusha howlaha dekedaas qalalan ujeedka ugu wayn ayaana ah in dekeda berbera oo shirkada DPWORLD maalgelinayso ay suuq ka hesho deegaanada PL iyo Koonfurta Soomaaliya Tukaraqna ay noqoto center lagu wareejiyo containerada (terminal container) waxaa xusid mudan inaan heshiiskan qarsoodiga ah ee aan loo soo aan loo bandhigin baarlamaanka iyo shacabka PL sidoo kale aan wax tallo ah laga waydiin dadka deegaanka ee laga dhisayo dekedan qalalan waxaa kale oo lays waydiinayaa sababta dekeda Boosaaso loo curyaaminayo oo ila hada aan wax shaqo aanay ka qaban shirkada DPWORLD oo hore ulla wareegtay iyo sababta madaxda PL arrintan ku riixday.