Daawo::Dawlada Somalia Oo Looga Adkaaday Maydka Sangub,

Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya oo hogaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada deeganka Soomaalida Eng Hamdi Axmed Omar iyo diplumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Wafdiga uu Wasiir oomaar hogaaminayo oo ka kooban Xildhibaano, Fanaanii Abwaano iyo Masuul ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan aaska Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” oo dhawaan ku geeriyooday Addi Abba.

Waxaa magaalada Jigjiga maanta soo gaadhay Diyaaradii siday Allah ha u Naxariistee maydkii Marxuun abwaan maxamuud cabdilaahi ciise Singub oo kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal.

Waxaa loo Qaaday maydka xaafada ay Ehelada marxuunku daganyihiin iyada oo marxuunka maanta lagu Aasidoono magaalada Jigjiga

Si kastaba ha Ahaate maydka abwaan sangub ayaa muran galay kadib markii dalalka itoobiya iyo somalia ku murmen halka lagu Aasaayo iyadoo dawlada soomaaliya rabtay in maydka lagu Aaso Xamar halka itoobiyana rabtay in meel kamid ah itoobiya lagu aaso.

??