Deg Deg:Ciidanka Puntland Oo Fashiliyay Qarax

Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Puntland eek u sugan Magalada Boosaaso ayaa waxaa la sheegay in ay soo saareen miino lagu aasay agagaarka Dhismaha Fadhisame oo u dhow Isgoyska Gaaca ee Magalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in qaar ka mid ah Bulshada Magalada Boosaaso ay kusoo wargeliyeen Miinadaas Goobta lagu aasay,isla markaana ay Ciidamada ku guuleysteen inay soo saaraan.

Intii uu socday howlgalka Miinada lagu soo saaray ayaa Ciidamada Puntland waxaa ay xireen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa suuqa Bartamaha ee Magalada Boosaaso.

Saraakiisha Ciidamada Puntland masheegin dadka ka dambeeyay Miinada halkaasi lagu aasay,sidoo kale majirin dad loo soo qabtay miinada lagu aasay agagaarka Suuqa Bartamaha ee Magalada Boosaaso.

Si kastaba bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ka dhacay qaraxyo Miino oo mid ka mid lala eegtay Gaari uu lahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari,hayeeshee xilligaas uusan saarneyn.