600 Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 19/6/2019 waxaa ay Xaruntooda ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa ee Kal-fadhiga Shanaad.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay aqrinta 3-aad hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda,waxaaana kulanka goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro Maanta kulanka Golaha,isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiraan,waqtigana dhamaantood wada ilaaliyaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee Isniintii ay yeesheen Xildhibaanada ayaa Akrinta koowaad waxa ay marsiiyeen wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, iyada oo xildhibaanada sidoo kale loo qeybiyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta ay ku guda jiraan Kal-fadhiga 5aad ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo la doonayo inay meel mariyaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...