600 War Deg Deg Ah:Dagaal Ka Dhacay Hargaysa iyo Dhimasha Hal Askari | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Dagaal Ka Dhacay Hargaysa iyo Dhimasha Hal Askari

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, kaasi oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland.

Dilkan ayaa waxa geystay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo magaciisa lagu koobay Dacar, kadib markii ay rasaas isku fureen Askariga kale ee uu toogtay oo isaguna lagu magacaabo Ina Daadays.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in degmada Maxamed Mooge ay is rasaaseyntu ku dhex-martay labadan Askari, halkaasi oo dhawaac culus ka soo gaaray Askariga geeriyooday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Askariga dilka fuliyay uu ka baxsaday goobta uu falkaasi ka dhacay, halka maydka askariga geeriyoodayna la geeyey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amaanka iyo Xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan dilkan ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...