Waxaa iska soo daba dhacayo jawaabaha laga bixinayo geeridii ku timid madaxweynihii shariciga ahaa ee dalka Masar Maxamed Mursi kaasoo Shalay oo Isniin ah ku dhex dhintay howl ay ka socotay maxkamadeyntiisa kadib markii la sheegay inuu wadnaha istaagay.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha ayaan weli wax war ah kasoo saarin geeridii ku timid Madaxweynihii Shanaad ee dalka Masar Maxamed Mursi.
Inkastoo aan la ogeyn sababta ay dowladda Soomaaliya ugu aamustay geerida Mursi haddana waxaa la rumeysan yahay inay Dowladda Soomaaliya xiriir dhow la leedahay dowladda Sacuudiga oo aad u neceb ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Mursi uu ka tirsanaa iyo Cabdi Fataax Siisii oo ah ninka afgambiga ku sameeyey Mursi.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ilaalineyso xiriirka dhow ee ay la leedahay Dowladda Sacuudiga, waxaana la aamisan yahay inaysan Sacuudiga jecleyn Mursi sababtaasna ay keentay inay Dowladda Soomaaliya ka aamusto.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga tacsiyeysay dhimashooyin adduunka ka dhacay oo qaarkood marka loo eego ka maqaam hooseeyey ama aan Islaamka muhiim ugu ahayn sida madaxweyne Mursi allaha jannada ha ka waraabiyee, ay kamid ahaayeen: