War Deg Deg Ah:Ciidamada Mukhtaar Roobow Oo War Culus Ku Dhawaaqay,

Maleeshiyada daacadda u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee loo yaqaan Caaro Caaro ayaa goor dhow sheegtay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyada ayaa sheegay inay weerar gaadmo ah ku qaadeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku safrayey deegaanka Kulanjeer ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku dileen dhowr maleeshiyo.

Kooxda Caaro Caaro ayaa shaacisay in dadka ay dileen uu ku jiro Maxamed Xasan Baarqab oo ahaa madaxii Zakawaatka kooxda Al-Shabaab ee gobolka.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegada kooxda Roobow. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax jawaab ah ka bixin dhacdadan.

Kooxda Caaro Caaro ee Roobow ayaa waxaa saldhig u ah deegaanka Abal oo dhowr KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool, waxaana halkaas ku sugan ku dhowaad 500 oo Askari.

Ciidamadaan oo aad u qabalabeysan ayaa wali ku sugan furimihii dagaalka iyo Jiidda hore ee aagga dagaalka kuwaas oo ku dhowaad 10 sano ka hor uu sameeyay  Sheekh Mukhtaar Roobow kadib markii uu la dagaalay Al-Shabaab.