600 Deg Deg:Puntland Miyay Ka Saaraysa Dekeda Boosaaso DP World. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Puntland Miyay Ka Saaraysa Dekeda Boosaaso DP World.

Ajandaha kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo shalay la ansixiyay, ayaa lagu daray qodob ku saabsan, in dib u eegis lagu sameeyo, heshiiska ballaaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso oo ay xukuumaddii hore ee Puntland la gashay shirkadda DP World.

Qodobkan ayaa sida la sheegayo, waxaa soo diyaariyay mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada Puntland, oo doonaya in dib loogu noqdo heshiiska DP World, maadaama sida ay qabaan 2 sano kadib heshiiskaasi, aysan jirin wax shaqa ah oo laga qabtay dekedda Boosaaso.

Heshiiska DP World oo soconaya muddo 30 sannadood ah, ayaa waxaa bishii Apriil ee sannadkii 2017 wada saxiixday, madaxweynihii hore Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman.

Nuxurka heshiiskaasi ayaa dhigaya in shirkaddu ay ballaarin iyo casriyeyn ku samayso dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo lagu kordhin doono 450 mitir oo ballac ah.

Sida ku xusan heshiiska, shaqada ballaarinta iyo dhismaha dekedda, waxaa ku baxaysa lacag dhan $336 malyan oo Dollar, taasi oo wejiga kowaad ee dekedda la gelin doono $ 200 malyan Dollar, halka wejiga labaadna la gelin doono $ 136 malyan oo Dollar.

Baarlamankii hore ee Puntland ayaa heshiiska ansixiyay 27-kii july 2017, balse mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada cusub ee Puntland, ayaa ku doodaya in dib loogu noqdo, maadaama sida ay sheegayaan aan mudadaasi wax shaqa ah laga qaban dekedda

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...