600 Deg Deg::Ciidanka SNM Oo Shacab Reer Sanaag ah Ku Dilay Calanka Soomaaliya, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::Ciidanka SNM Oo Shacab Reer Sanaag ah Ku Dilay Calanka Soomaaliya,

Ceerigaabo{ Khaatumonews }Ciidamada maamulka Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ah ku rasaaseeyay deegaanka Damalle-Xagarre oo hoostaga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Shaqaaqadan ayaa ka dhalatay, kadib markii dadka deegaanka Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka taageen halkaasi.

Saraakiisha Somaliland ayaa la sheegay in shacabka ay ku amreen in ay dajiyaan Calanka Soomaaliya, balse taas ay ka biyo diideen dadweynuhu, kadibna ay keentay in Ciidamadu ay adeegsadaan rasaas nool nool.

Rasaasta ay fureen Ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo rayid ah, kuwaas oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Damalle-Xagarre ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad ka dhalatay arrintaasi haatan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...