600 Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo shaaciyey ‘farqi u dhaxeeya xasuuqii’ Gaalkacyo iyo kan Baydhabo | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo shaaciyey ‘farqi u dhaxeeya xasuuqii’ Gaalkacyo iyo kan Baydhabo

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xasuuqii arxan darada ahaa ee magaalada Gaalkacyo loogu geystay 13-ruux oo kasoo jeeday degaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in siyaasiyiinta ka hadashay xasuuqa Gaalkacyo ee cambaareysay, ay ka hadli waayeen xasuuqii Baydhabo ka dhacay sanadkii hore.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona xusey farqiga u dhaxeeya labadan xasuuq ee Baydhabo iyo Gaalkacyo, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan:

“Haddii siyaasigu rabo in shacabku rumeysto ama aamino waxaa lagama maarmaan ah in uu dareen iyo mowqif isku mid ah kaga jawaabo fal kasta oo gurracan. Xildhibaano badan oo labada aqal ee Baarlamaanka ka tirsan iyo siyaasiyiin kaleba waxay canbaarayeen xasuuqii Gaalkacyo ka dhacay.

Waa tilaabo fiican, laakiin waxaa la yaab leh, marka laga reebo tiro yar oo fara ku tiris ah, inta badan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta xasuuqa Gaalkacyo canbaareeyey, juuq kama aysan oran, labada aqal ee Baarlamaankana sooma hadal qaadin xasuuqii ay sanadkii hore Baydhabo ka gaysteen ciidanka dawlada iyo kuwa Itoobiyaanka ah, balse in badan oo ka mid ah way taageereen.

Farqiga u dhexeeya labada xasuuq waa in kii Baydhabo ka dhacay ay dawladu ka danbaysay oo lagu dhici waayey in la canbaareeyo, laakiin xasuuqii Gaalkacyo ka dhacay ma jirin cid gooni ah oo canbaarayntiisa looga cabsado ama looga weji dadbado, taas ayaana keentay in cid waliba canbaarayso, halkii xasuuqii Baydhabo, xildhibaano iyo siyaasiyiin tira yar ay ku dhiiradeen.

Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Mudane Aadan C/lle Cusmaan (AUN) ayaa laga reebay “Soomaaliyey dadkiina kala barta”.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...