Hargaysa{ khaatumonews }Suldaanka guud ee Beelaha isaaq Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay Shirka uu Boqor Buurmadaw iclaamiyey, waxaanu sheegay inay khalad tahay in dacwad ka dhan ah Boqor Buurmadaw in dacwad ka dhan ah loo gudbiyo Imaraadka, xilli uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Gaafadhi uu dacwadan ka gudbiyey.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Suldaanka guud ee Beelaha isaaq Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay warbaahinta ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaayey Shirka uu iclaamiyey Boqor Buurmadaw ayaa yidhi “Boqor Buurmadaw waa nin macquul ah, laakiin Shirka uu ku dhawaaqay ilaa hadda Odayaasha Habarjeclo namay soo gaadhsiin, qaabka uu u doonayo inuu Shirka u qabto, iyo cidda la wada ilaa hadda ma ogin, markaas waanu eegi doonaa haddii ALLE idmo bal sida uu wax u wado”.
Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dacwada ka dhanka ah Boqor Buurmadaw ee maamulka muuse biixi u gudbisay Imaraadka oo uu hadda ku sugan yahay ayaa yidhi “Xukuumaddu waxay Imaraadka uga dacweyso Boqor Buurmadaw waa khalad, in nin muwaadin ah oo reer Somaliland in dalka shisheeye laga ashkateeyo waa khalad, haddii ay Xukuumaddu wax ka sheeganayso beri ka maalinba dalka uu imanaya, markaasba ha ku dacweyso waxay ka tabanayso, oo ha weydiiso waxay ka tabanayso, laakiin ma haboona in dalal shisheeye oo aan dalkeena ahayn aynu iska dacweyno”.
Suldaan Maxamed oo baaq u diraayey maamulka muuse biixi ayaa yidhi “Shacabka waxaan leeyahay nabada ilaaliya, oo dawladnimada ilaaliya, oo Dawladda kala shaqeeya wixii horumar ah ee ay wado”.
