600 Deg Deg:Alshabab Oo Weerar Culus Ka Fulisay Gudaha Kenya | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Alshabab Oo Weerar Culus Ka Fulisay Gudaha Kenya

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan Al Shabaab kula eegteen ciidamada Kenya deegaano hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa qaraxyo la eegtay ciidamada dowladda Kenya oo ku sugnaa inta u dhaxeysa deegaanada Sedax goosa iyo Amuuma, oo hoostaga magaalada Gaarisa, waxaana la sheegay inay waxyeelo gaartay ciidamada Kenya.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka qaraxyada oo ahaa miinooyin dhulka lagu aasay ayaa sheegay inay gubeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka Kenya, islamarkaana uu jiro waxyeelo gaartay ciidamada Kenya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka waqooyi Bari oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Kenya ay xirtay Xaduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Kenya ayaa maalma ka hor soo saartay digniin ku aadan inay jiri karaan weeraro Ururka Al-Shabaab ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, iyada oo sheegtay inay ka feejigan yihiin.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxayay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen dalka Kenya, islamarkaana ay doonayaan inay weeraro ka fuliyaan gudaha dalkaasi Kenya,

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...