600 Deg Deg Daawo:Xildhibaan Rashiid Oo Garaacay Xildhibaanan Faadumo Geedi | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Xildhibaan Rashiid Oo Garaacay Xildhibaanan Faadumo Geedi

Xildhibaan Rashiid Amiin oo laga soo doorto Bariga Wajir, ayaa maanta weeraray xildhibaan Faaduma Geedi oo iyana laga soo doorto Wajir, kana wada tirsan yihiin baarlamanka Kenya.

Rashiid ayaa la sheegay inuu Faaduma, oo ay Soomaali isla yihiin, uga daba yimid halka baabuurta la dhigto ee dhismaha baarlamanka Kenya, kadibna ay dhex-martay dood kulul ka hor inta uusan u gacan qaadin, xilli ay daawanayeen xildhibaano kale iyo ciidamada amniga.

Rashiid ayaa la sheegay inuu Fataumo Geedi oo ka tirsan guddiga miisaaniyadda ee baarlamanka weydiiyey sababta aysan wax lacag ah ugu qoondeyn Bariga Wajir ee isaga laga soo doorto, intii lagu guda jiray booqasho guddiga ay halkaas ku tageen.

“Waxay ahayd qiyaatsii 10-kii subaxnimo waxaan la socday xildhibaan Gladys Wanga markii aan is aragnay Rashiid. Wuxuu I weydiiyey sababta aan wax lacag ah ugu qoondeyn dadka uu matalo. Waxaan ku iri adiga halkaas ayaad joogtay, maxaadan dadkaga u abaabulin, oo aysan usoo bandhigin kiis lagu qanci karo” ayey tiri Faaduma Geedi

Waxay intaas ku dartay “Wuxuu iigu yeeray nacas, kadibna wuu I garaacay. Waan naxay, waana aamini waayey, kadib mar kale ayuu ii gacan qaaday.”

XIldhibaan Wanga oo la socotay Faaduma ayaa sidoo kale xaqiijisay in Rashiid uu garaacay.

Xildhibaan Faaduma ayaa la geeyey isbitaalka Karen oo looga daweeeyey dhaawcayo fudud, waxayna kadib kiiskeeda u gudbisay booliska baarlamanka, sida ku cad warqadda lagu xareeyey dacwadda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...