Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka yaman ay weerar dhinaca Cirka oo ay gantaal u adeegsadeen ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Alba ee dalkaasi Sacuudiga.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Ganatalkaas ayaa Sacuudiga waxaa uu sheegay inay ku dhaawacmeen 26 ruux oo u badnaa Rakaab u dhashay dalal kala duwan,kuwaas oo xilliga Garoonka la weeraray sugayay inay ka dhoofaan.
Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu sacuudiga hoggaamiyo oo dagaalka ka wada dalka Yaman ayaa sheegay in dadka khasaaraha kasoo gaaray Gantaalka ay ku sugnaayeen Halka Diyaaradaha laga raaco ee garoonka,isla markaana dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalada dalkaas.
Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan Gudaha dalka Sacuudiga,hayeeshee weerarkaan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa weerarada ay Xuutiyiinta ka geysteen dalka Sacuudiga
