600 War Deg Deg Ah Daawo:Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Tukaraq, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo:Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Tukaraq,

Laascaanood{ Khaatumonews } Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jCiidamada dib u xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool sida ay soo sheegayan dadka ku nool tuuladaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay bilowday kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan Ciidamada khaatumo ay weerar culus ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee aga’gaarka buurta “Laba-madaxleey” oo dhanka koonfur bari ka xigta tuulada Tukaraq.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in ka badan hal saac uu  ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinacba gaaray inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn maadaama ay adagtahay in labada dhinacba xog laga helo.

Xubin ka tirsan Saraakiisha Khaatumo oo si kooban ula hadlay Khaatumonews  ayaa sheegay in dagaallamayaashooda oo ku hubaysan qoryaha garabka laga rido islamarkaana xiran ookiyaalaha habeenkii wax lagu arko ay gebi ahaanba gubeen taliska ciidamada Somaliland ee buurta “Laba-madaxleey” balse wuxuu diiday in uu ka hadlo khasaaraha dhankooda gaaray.

Dhinaca kale taliska ciidamada Somaliland ayaan weli dhinacooda ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay oo dadka degaanka ay ku tilmaameen midkii ugu cuslaa ee dhexmara  Khaatumo iyo ciidamada Somaliland marka loo eego hubka culus ee halkaasi ka dhacayey habeenkii xalay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo:-Faysal cali Waraabe afka furtay
- Mar 1, 2021
https://youtu.be/YMAwC1iPVJA
Deg Deg Daawo:Mareykanka Oo Xayiraad saaray dhaxal sugaha Sacuudiga
- Feb 27, 2021
Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee ...
Daawo: Prof Buuba Oo Hargaysa Kaga Dhawaaqay in Somalia Aan la kala jari karin
- Feb 27, 2021
"Soomaaliya ma kala go'i karto,." Prof Buuba oo Hargeysa kula hadlay saxaafadd Dr. Ismail Hurre ...
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...