War Deg Deg Ah:Ciidanka Puntland Oo Duulaan Ku Ah Magaalada……

Boosaaso{ Khaatumonews }Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in Ciidamada Puntland ay weerar ku yihiin deegaanka Af Urur ee gobolkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Puntland ayaa haatan isku urursanaya degmada Carmo, waxaana la sheegay in ay dib ugu laabanayaan deegaankaasi oo ay shalay soo baneeyeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay doonayaan in ay kaga hortagaan Ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Af Urur oo ah deegaan istaraatiji ah ayaa ku yaalla Buuraha Golis, waxuuna in ka yar 70 KM u jiraa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka fulisay deegaankan, kuwaas oo waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.