Wararlaga helayo Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay ku waramayaan in khilaaf cusub uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxda ugu sareysa hoggaankii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Khilaafkaan ayaa oo shaac baxay,kadib markii Madaxweyne xaaf uu shalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb,isla markaana Maamulkii Ahlusuna ay aqbaleen in doorashada Madaxweynaha Galmudug ee qabsoonto Bisha June ee sanadkaan,hayeeshee taasi uu ka horyimid Madaxweyne xaaf.
Kulamo ka dhacay Magalada dhuusamareeb ayaa ilo wareedyo waxa ay sheegeen in la isku fahmi waayay,waxana Madaxweynaha Galmudug uu ku adkeystay in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doonto markii uu waqtigiisa dhamaado ee sanadka 2021,halka Madaxda Ahlusunna ay sheegeen in Bisha June ee sanadkaan ay qabsoomi doonto.
Lama oga qorshaha Cusub ee Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug ay ku ogolaadeen in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhacdo Bisha June ee sanadkaan in ay ku lug leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay u sheegtay inay doorashada qabsoomeyso.
Xog Ay helayso Khaatumonews Ayaa sheegaysa in Dawlada Soomaaliya Ay Doonayso in Doorashadu xiligeeda dhacdo ISlamarkaana madaxweynaha Galmudug Loo Doorto Madaxii Ahlu Sunna ee Sheikh Shaakir,
