Deg Deg Daawo:Isimada Warsangeli Oo War Culus Shaaciyay iyo Xiisada Sanaag,

CeerigaaboKhaatumonews }Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo kamid ah Ismada Dhaqanka    ee Kasoo jeeda Bariga Gobolka Sanaag, oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ugu horayn Bulshada ugu Hambalyeeyay Munaasibadii Ciida.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu Puntland  ku Bogaadiyey Ciidamadii dhowaan kasoo baxay Somaliland oo La Qarameeyay, Wuxuuna sidoo kale    shacabka Gobolka sanaag uga mahad celiyey Talada midaysan ee ay Qaateen,  Wuxuuna xusay in Gobanimadu ay ku timaado dhiiga Ragga.

Dhinaca kale Garaad Cabdillaahi ayaa Puntland usoo jeediyey magaalada Badhan laga dhigo Caasimada labaad ee Puntland, wuxuuna sheegay inay noqon doonto Tallaabo siyaasi ah oo Meel-mar ah, Wuxuuna Xusay inay Jawaab ka Sugayaan Reer Puntland.

Ugu dambayntii wuxuu Fariin gaar ah u diray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Shacabka Somaliland.