600 War Deg Deg Ah:Xuutiyiinta oo gudaha Sacuudiga Galay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Xuutiyiinta oo gudaha Sacuudiga Galay

Ciidamada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa qarka u saaran inay qabsadaan gobolka Najran ee dalka Sacuudiga kadib dagaal xooggan oo dhacay maalintii ciidda iyo wixii ka dambeeyey.

Mucaaraadka Xuutiyiinta ayaa weerar xooggan ku qaaday gobolka, waxaana ay qabsadeen dhowr goob oo milatari oo ku yaalla gudaha gobolkan dhaca Koonfurta Sacuudiga, sida ay sheegeen.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Sarei ayaa wakaaladda wararka Yemen ee SABA u sheegay inay gacanta ku dhigeen 20 goob oo milatari oo ku yaalla gobolka Najran.

“Ciidamdeenna waxay ka awood badiyeen kuwa naga soo horjeeda, kadib saddex weerar oo aan uga soo qaadnay saddex dhinac” ayuu yiri Yahya.

Waxa uu sheegay inay dileen ama ay dhaawaceen in ka badan 200 oo ah dagaal-yahannada calooshood u shaqeystayaasha ah ee u dagaalamaya Sacuudiga, intii uu socday dagaalka, halka qaar kalena ay gacanta ku digeen. Waxa uu sidoo kale sheegaya inay qabasadeen agab ciidan.

Taleefishinka Xuutiyiinta ee Al-Masirah ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya ciidamadooda oo dilaya ciidamada daacadda u ah Sacuudiga ee gobolka Najran ka dagaalamaya.

Inta badan ciidamada Sacuudiga u dagaalmaya ee gobolka Najran ayaan ahayn Suucidyiin. Badankood waxay kasoo jeedaan dalka Yemen, waana maleeshiyo sabool ah oo u dagaalamaya lacag darteed.

Mid ka mid ah dagaal-yahannadaas ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye “Markii uu ramadaanka dhammaad ahaa, ciidamo badan ayaa naga tagay oo aaday qoysaskooda si ay ciidda ula soo qaateen. Xuutiyiinta way ogaayeen tan, sidaas darteedna waxay naga soo qaadeen dagaal culus.”

Dagaalka ayaa weli ka socda Najran, waxaana Xuutiyiinta ay sheegeen inay u dhow yihiin inay gacanta ku dhigaan gobolka oo Idil.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...