600 Beelaha Hawiye iyo Isaaq Oo lacag Lagu Siinaayo Dagaal Ka dhan Ah Faramajo iyo Dawladaha Bixinaya Oo la Kashifay Qarashka, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Beelaha Hawiye iyo Isaaq Oo lacag Lagu Siinaayo Dagaal Ka dhan Ah Faramajo iyo Dawladaha Bixinaya Oo la Kashifay Qarashka,

Wargeyska African Intelligence ayaa qoray in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay billaabeen qorshe ay xukunka uga tuurayaan madaxweyne Farmaajo ayaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Sida wargeyska qoray waxaa bishii tagtay Hargeysa tagay safiirka Sacuudiga ee Kenya iyo Soomaaliya Mohammed Khayat iyo saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

Xubnahaas ayaa wargeysku sheegay inay Hargeysa kula kulmeen saraakiil ka tirsan dowladda Somaliland iyo siyaasiyiin beelaha Hawiye kasoo jeeda oo halkaas qarsoodi ku tagay, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin.

Sida warbixinta ay sheegtay, kulankaas ayaa looga hadlay sidii la isugu gayn lahaa awoodda beelaha Hawiye iyo Isaaq ee doorashada 2021, si loo xaqiijiyo in doorashada looga adkaado Farmaajo, oo labadaba ay aad uga soo horjeedaan.

Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday sidii loo heli lahaa siyaasi Hawiye ah oo awoodda labada beel la isugu geeyo si loo doorto.


Waxaa sidoo kale kulanka la isku raacay in Hargeysa ay noqoto halka laga maal-gelinayo ololaha oo lacagta Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga lasoo marinayo, halka magaalada Nairobi ay noqoneyso xarun labaad.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Dagaal culus Xadka Kenya iyo Somalia
- Feb 27, 2021
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan ...
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...