Saacaddihii ugu dambeeyay waxaa xoogeystay wararka sheegaya in Mooshin laga waddo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Ololaha Mooshinka ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.
Ilo kalsoonaan karo ayaa KHaatumonews u sheegay in guuxa Mooshinka uu soo bilowday tan iyo markii Golaha Shacabka la horkeenay sharciga doorashooyinka.
Ololaha Mooshinkaan ayaa si xowli ah ku socda, waxaana la sheegay in aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin meelmarintiisa, islamarkaana wali ay socdaan tashiyo ay waddaan xildhibaanada Ololaha Mooshinka wadda iyo Mas’uuliyiin daba ka riixaysa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudoomiye muudey uu kasoo horjeedo Sharciga Doorashooyinka oo hada horyaala Baarlamaanka.
Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa haataan ku maqan dalka Turkiga, iyadoo la rumeysan yahay inuu xilligan awood ku leeyahay Baarlamaanka, waxaana la xusuustaa doorkii uu ku lahaa ridistii Guddoomiye Jawaari.
