Cali khalif Galaydh oo Mar Soo noqday Madaxweynaha Maamulka khaatumo Islamarkaana Hore Raysal wasaare iyo wasir uga soo Noqday Xukumadihii Siyaad Barre iyo Cabdi Qaasim Salaax Xasan ayaa sadexdii Sane ugu Danbaysay Galaydh wax uusan filayn in ay saas ku noqon doonto.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dr Cai khalif Galaydh oo Shacabka khaatumo Si weyn ugu hayen Hami iyo Kalsooni ayaa Silama filaan ah U khiyaamay kadibna maamulkii hore somaliland ee siilaanyo la galay heshiis ah in la isku daro khaatumo iyo somaliland islamarkaana waxaa uu cali khaliif galaydh kala kulmay heshiiska Waji gabax kadib markii shacabka khaatumo dhamaan ka hor yimaaden waliba maamulkii khaatumo ku kala jabay islamarkaana madaxweyne Ku Meel Gaadh ah loogu doortay khaatumo Cagalule madaxweyne Ku xigeenkii.khaatumo.
Cali khalif Galaydh mudo waxaa wadahadal kula jiray maamulkii siilaanyo balse nasiib daro markii u dhacay siilaanyo waxa talada qabtay nin aan waxba u arag cali khalif galaydd waa muuse bixiiye islamarkaana waxaa u muuse guud ahaan laalay heshiis aan Awalba somaliland ka ahayn dhab ayna arkaayen in Aanu cali khalif haysan Dad uu matalo kadib markii dadkii reer khaatumo ka hor yimaaden haba ugu horeeyo garaadka guud ee khaatumo garaad jaamac garaad cali oo ay isku beelyihiin cali khalif Galaydh,
Intii uu socday wadahadalkii cali khalif galaydh iyo soamliland waxaa shacab khaatumo cali khalif ku xasuustan hadaladi cadaawadu ka muuqatay uu hargaysa ka odhan jiray sida”Dantayadu waa somaliland cid aan ku badalano ma jirto iyo waliba hadalkii caan baxay ee uu caynaba ka yidhi ee ahaa War hooy isaaqo buuhoodle nala qabta.
Waxaaso dhac waxaa uu cali khaliif galaydh uga danlahaa in uu muujiyo Somaliland in uu ka yahay heshiska daacad balse nasiib xumo waligaaba muusanow somaliland iyo isaaq marna kama ahayn daacad waana ta keentay inuu mudo sadex sano ah marba hargaysa hotel ka muusanabo.
Hadab Galaydh hada wxaa uu wada sadex Sano kadib qorshe yar oo qosol badan.
Waxaa jira warar sheegaya in Galaydh doonayo isaga iyo dhawr xubnood oo Uu Hargaysa geeyay xiligii uu wadahadalka khiyaamada ah la galay isaaq inay ku dhawaaqan in ay ka bexen wadahadalkii.
Galaydh Miyuusan ogayn in taasi aanay hada wax macno ah usameenen reer khaatumo iyo waliba kuwa uu leeyahay heshiis ayaan uga baxaya ma xasusan yahay Tolow Cali khaliif galaydh inta uusan ka bixin heshiiska in markii horaba aan cidi heshiis la galin ee u jeedku Ahaa in isaga Warbaahinta la hor keeno isagoo ku hadaaqaya somalialnd ayaan ahay Taasna markii laga helay in laga gaadhay dantii laga lahaa.
Ugu Danbayn galaydh waxaa uu hada naf iyo Gabaad ka dhiganayaa in uu mar kale sheeko qosol leh la hor yimaado Reer Khaatyumo,
KHAATUMONEWS.COM
