Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in ay aqoonsan tahay madaxnbannaanida Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”.

Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay afhayeenka.

“Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqdo waana eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.

Dadbadan weli waxay xasuustaan khariidaddii Itoobiya ee Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa ka careysan qoraal kale oo kasoo muuqday bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Somaliland iyo Puntland,

Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland.

Maamulka Addis Ababa ayaa markastaa xiriir dhow la lahaa dhammaan madaxdii soo martay Soomaaliya tan iyo burburkii, waxayna sidoo kale martigelisay kulamo badan oo u jeedadiisu ahayd nabadeynta Soomaaliya.

Tan iyo markii isbedelka uu ka dhacay dalka Itoobiya ee xilka uu qabtay Abey Axmed, waxaa soo hagaagayay xiriirka siyaasadeed ee labada dal.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegtay “in ay ka faa’ideyso isbedelka siyaasadda ee geeska Afrika”.

Dadka arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ka faallooda waxay aaminsan yihihiin in arrintan ay muddo soo jiitameysay.