Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu soo bandhigay Sawir muran badan dhaliyay oo ka tarjumaya qariirada Afrika oo gabi ahaan laga saaray Mapka Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Warbixin lagu qoray bogga Wasaarada Arimaha dibadda Itoopiya ayaa waxaa looga hadlayay muranka biyaha wabiga Nile ee Masar iyo Itoopiya, balse waxaa Soomaali badan ama kaag iyo shaki badan galiyay sababta qariirada Soomaaliya loogu daray dalka Itoopiya.

Qariirada lasoo bandhigay ayaa muujineysa ineysan jirin xuduud ama magac Soomaali iyo Itoopiya ka kala dhigaya laba dal oo daris ah.

Dhan kale markii aan kugu dhigo qariirada lasoo bandhigay gabi ahaan kuma jirto Soomaaliya magac iyo Map, taasoo u dhigan in soomaaliya ay kamid tahay Itoopiya ama magacoodii ka tir tiray.

Baraha bulshada gaar ahaan kuwa Soomaalida isticmaasho ayaa waxaa aad looga hadal hayaa Sawirka ka tarjumaya Qariirada Afrika ee laga saaray ama la tir tiray Map-ka Soomaaliya ee caanka ahaa.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhagahooda waxaa ka guuxaya qudbad uu jeediyay Raisal wasaaraha Itoopoya Abi Ahmed oo aheyd in Elitariya oo horay uga tirsaneyd Itoopiya iyo Soomaaliya ay noqon doonaan Mustaqbalka dhaw hal Dowlad oo magac iyo Map wada leh.