dahabshiil

Haweenka Qaar Cayilku Waxaa Uu ka Hor Istaagaa Inay Uur Qaadaan

Hadda ka hor lamaane soomaaliyeed oo is qaba ayaa uur yeelan waayay muddo 4 sano ah, dhakhaatiir badan ayay la kulmeen kadib waxaa lagu la taliyay in shahwada ninka lagu beero xaaska si ay uur u qaado, waxayna la xiriireen xarun lagu sameeyo bacriminta uurka “IVF”, baaritaano ayaa lagu sameeyay waxaana loo qabtay ballan sadax bil ah in loo samayn doono arintaas, jaaniska in lagu guuleysto bacriminta ay tahay 50:50, qarashka ku baxayo oo aad u badan dartiis inay u soo diyaar garoobaan.

Ilaahay wuxuu qadaray in gabadhii ay Gym gasho oo jimicsi bilowdo, 2 bilood markay jimicsiga waday oo miisaan badan ka dhacay waxay isku aragtay astaamihii wallaca, dhakhtarka ayay timid iyadoo aaminsan inuu gaas hayo, waxaana loo sheegay inuu uur jiro, wayna rumayn waysay.

Maalintii ku xigtay, waxay isku raaceen dhakhtarkii ay balansanaayeen iyagoo ka shakkisan baaritaanka, waxayna la kulmeen kalkaaliso dhakhtarka la shaqeeysa, waxay kaalkaalisadii ku celisay baaritaan uur labaad inta aysan dhakhtarka u gelin.

Kadib lamaanihii oo warqaddii baaritaanka wata ayaa dhakhtarkii u galay, markuu jawaabtii baaritaanka arkay aad buu uga xumaaday, wuxuuna kalkaalisadii ku canaantay sababta ay uurka u baaartay amar la’aantiisa, kadibne wuxuu lamaanihii ku yiri: macquul ma ahan inaad uur qaadid, mararka qaarne baaritaanku qalad ayuu sheegaa ee daawooyinkaan soo qaado kadibne waqtigii aan balansanayn aan is aragno.!!

Lamaanihii oo ka shakkiyay lana yaabay xanaaqa dhakhtarka ayaa gurigooda ku soo laabtay waxayne go’aansadeen inay joojiyaan daawooyinka loo soo qoray.

Alxamdulilaah gabadhii hadda way caafimaad qabtaa waxayne leedahay uur 6 bilood ah.

Talo: Haddii aad uur yeelan wayso, dhakhaatiirtuna ay ku dhahaan wax cillad ah ma qabtid, ku dadaal inaad miisaankaaga yaraysid haddii aad cayilan tahay.

Short URL: https://khaatumonews24.com/?p=13381

Posted by on May 26 2019. Filed under maqal iyo muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841