Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro geystay oo Mleeshiyaad ka tirsan kuwa SNM iyo Maleeshiyaad hubeysan ku dhexmaray deegaanka dararweyne oo hoosyimaada degmada Ceelaf-weyn ee Gobolka Sanaag.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshoyada Soomaaliland oo wada howlgal ay ku baadi goobayaan Nin ruux Shacab ahaa ku dilay deegaanka Ceel-Afweyn ay dagaal kala horyimaadeen maleeshiyad ku heyb ah Ninka wax dilay,waxaana dagaalka ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliland.

Dad ku sugan deegaanka dararweyne ee lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka kadib Maleeshiyada Somaliland ay sii wateen howlgalkooda halka maleeshiyaadkii hubeysnaa ay goobta ka Baxen,

Wararka aan saakay ka heleyno deegaanka dararweyne ee lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyada Soomaaliland ay halkaasi ku sugan yihiin,isla markaana weli howlgalka ay wadaan,hayeeshee aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan Ninkii ay baadi goobayeen ee dilka geystay.