Deg Deg Daawo:Mucaaridka Dawlada soomaaliya iyo Xubno SNM ah Oo Ku Shiray Nairobi
Nairobi{ Khaatumonews }Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay  Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah DF  Soomaaliya oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland iyo Faysal Cali Waraabe .
Kulanka Arimaha looga hadlay Si dhab ah looma Xaqiijin, Balse wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Dhinacyadda Muraaridka Dawladda iyo Somaliland ay Fursad ka dhex raadinayaan Khilaafka u dhexeeya Kenya iyo DF Somalia .
Burburkii dalka kadib waxaa Lumay Qiyamkii Bulshada Soomaaliyeed, waxaana dhacdo ugub ah in Dalkaaga aad kala safato dal kale, waxaana sidoo kale siwayn loo xusuustaa Xiligii Madaxda maamuladu ay Dawladda dhexe kala safteen Imaaraadka Carabta.
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa horay u sheegay inay Nairobi u tagay siday meesha uga saari lahaayeen warbixino oo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C.raxmaan Cirro u gudbiyey Beesha Caalamka.

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.