Waxaaa isasoo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada boondheere.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dadka mas’uuliyiinta ahaa ee qarixii Maanta ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii ee Arrimaha Dibadda dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed oo lagu Magacaabi jiray Xuseen Ceelaabe Faahiye.
Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa haatan ahaa la Taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya,waxaana xilal kala duwan uu kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray,isaga oo soo Shaqeeyay xilli adag.
Qarixii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa saraakiil Ciidan,Askar iyo Shacab intaba,waxaana mas’uuliyiida sheegta Al-Shabaab.
