600 Deg Deg:Kenya Oo Xidhay Xawaalado Badan Oo Soomaali Ku Leedahay Nairobi | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Kenya Oo Xidhay Xawaalado Badan Oo Soomaali Ku Leedahay Nairobi

Ciidamada Kenya ayaa maanta xiray xawaalado ka mid ah kuwa Soomaalida oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr xawaalad la xiray, hase yeeshee Khaatumo news Online ayaa xaqiijisay in la xiray xawaaladaha, DAHABSHIIL AMAL iyo TAAJ, kuwaas oo ay tageen ciidamada booliiska kadibna amreen in la xiro, ayaga oo baaritaan ka wada gudaha.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay weli gudaha ugu jiraan xawaaladahan, oo ay baaritaan ka wadaan weli, lamana oga in baaritaanka kadib dib loo furi doono iyo in kale.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan sababta loo xiray xawaaladaha, hase yeeshee waxay u muuqataa inay qeyb ka tahay dagaal iyo olole xooggan oo ka dhan ah Soomaalida iyo hantidooda oo dowladda Kenya ay waddo.

Kenya ayaa xalay Visaha dalkaas u diiday mas’uuliyiin Soomaali ah, kuwaas oo saddex ka mid ah baryey garoonka Jomo Kenyatta, halka qaar ay ku baxsadeen baasabooro ajnabi ah.

Kenya ayaa sidoo kale toddobaad ka hor joojisay in duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi kuna amartay inay soo maraan Wajeer.

Ololahan ayaa qeyb ka ah dadaal Kenya ku dooneyso inay Soomaaliya ku qasabto inay ka laabato kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, oo u muuqda mid ay guul-darro uga soo socota

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...