Deg Deg:Beesha Isaaq Oo Ku Hungowday Dacwadii Tuke,

Waxaa dalka Mareykanka ku soo Dhamaaday maanta Maxkamad Been Abuur ah oo Beesha isaaq ku saartay Korneyl Tuke oo kamid ahaa saraakiishi Dawladii Kacaanka.

Tuke oo ah Muwaadin ka soo jeeda Gobolada khaatumo waxaa Dacwad Ku Soo Oogay Nin Lagu magacaabo Faarax Warfaa kaaso sheeganaayay in Tuke La dhacay rasaas.

Su aasha ugu adag Ee Garsooruhu weydiiyay Ninka Dacweynaya Tuke ayaa ahayd”” side ayuu adi shaqsi ahaan adoo nin miskiina shacabkana ka mid ahaa nin kornayl ah kaligaa kuu soo beegsaday maxayse danta uu adiga keligaa kaa lahaa ay ahayd oo adiga isagu shaqsi ahan ku dhibatenaayay’ jawabana waa loo wayay

Hadaba Maxkamadii Qaaday Dacwada ayaa Dhagaysi Kadib mudo Sadex Casho ah Socday waxaa ay maanta Ku Dhawaaqday Go aanka Rasmi ah Oo Sheegaya IN Tuke Aanu lahayn Wax Danbi ah Islamarkaana Eedaha usoo Jeediyay Faarax Warfaa aysan Lahayn cadeen Dhab ah sida Aawadeedna waxaa ay maxkamadu Been abuur iyo Waxba kama jiraan ku tilmaantay Dacwadii uu soo Gudbiyay Faarax Warfaa iyo Beesha Isaaq.

Si kastaba ha ahaate Maaha markii koobad iyo markii Labaad ee Sidan oo kale Beesha Isaaq ugu Hungowday Dacwo ay Soo dhoobdhoobtay oo ay kusoo oogto Kornayl Tuke.