Mas,uuliyiin ka tirsan dowlada dhexe ee dalka ayaa caawa ku xayiran garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Wasiir ku xigeenka biyaha mudane Cusmaan Libaax iyo Senetarada kala ah Ilyaas Cali iyo Zamzam Cali ayaa loo diiday in ay galaan magaalada Nairobi.
Saraakiil ka tirsan waaxda Socdaalka Kenya ayaa ku amray in mas,uuliyiintaan aysan ka bixi karin Garoonka ilaa aroornimada talaalada oo ay dib ugu laabanayaan magaalada Muqdisho.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka danbeysa arintaan balse waxay ku soo aadeysaa iyadoo bilahii la soo dhaafay uu sii xumaanayay xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya
