Deg Deg:Somaliland iyo Puntland Wasiiro Ka Socda Oo Caawa Isku Magaalo U Hoydey,

Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag waxa caawa u wada howdey wasiirka caddaaladda Somaliland iyo wasiirka waxbarashada Puntland.

Wefdiga labada wasiir kala hoggaaminayaan ayaa kala degay laba Hotel oo wax yar isu jira.

Badhan waxa maamulkeeda ku loolama Somaliland iyo Puntland oo mid weliba sheeganayo in ay maamulkooda ka tirsan tahay.

Deegaanka waxa kale oo ka jirta Sandalad dhaqameed guun ah oo inta badan kala badbaadinaysa siyaasadaha iska soo horjeeda ee deegaanka ku hirdamaya.