600 Deg Deg Daawo Muqaalka:Puntland Oo Xukun Dil ah Ku Riday Ragii Caasha Kufsaday, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Muqaalka:Puntland Oo Xukun Dil ah Ku Riday Ragii Caasha Kufsaday,

Garoowe{ Khaatumonews }Maanta waxaa Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Nugaal la horgeeyey 10 eedeysane oo loo heystay kufsigii iyo dilkii Bishii Feberaayo ee sanadkaan Magalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 12 jir ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

10 Eedeysane ee Maxkamada la horkeenay ayaa kiiskooda waxaa ay Maxkamada qaaday mudo laba jeer ah,waxaana ugu dambeyn Maanta xukun lagu riday saddex Eedeysane halka 7 kale ay Maxkamadu siideysay.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee dagmada Garowe Shiikh Cabdinuur oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada ee ku Aadan kiiska Caasho Ilyaas Aadan ayaa sheegay in Cabdifataax Cabdiraxman Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige lagu xukumay dil toogasho halka 7 kale lasiidaayey, kadib markii ay Maxkamadu wax dembi ah ku weysay.

Garsoorku waxa uu sidoo kale sheegay in Xukunka Maanta ay riday Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal uu ka furan yahay Racfaan mudo Bil ah.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa isha ku hayay kiiskii Caaisho Ilyaas Aadan oo bishii Feberaayo ee sanadkaan 2019 kufsi iyo dil arxandaro ah loogu geystay Magalada Gaalkacyo,hayeeshee Maanta dadkii loo heystay la xukumay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...