12kii bishii Juun ee 2014 ayaa Somaliland weerar ku qabsatay Taleex oo shir ka socday. Aroortaas oo Khamiis ahayd Taleex ayaa aan ku sugnaa. Ergadii shirka ka qayb gelaysay intoodii badnayd Saaxdheer ayaa ay afka saareen, qaar kalena deegaannadii ay ka yimaadeen oo Laascaanood ka mid ahayd ayaa ay ku soo gurya noqdeen. Laba cisho guddahood waxa ay Somaliland weerar kale ku eekaysay Saaxdheer oo ergadii shirka badidood, madax-dhaqamadeedkii, iyo siyaasiyiintii hoy ka dhigteen. Dagaalo faraha la ga gubtay oo dhiig ku daatay ayaa duulaankii Somaliland ka dhashay. Puntland ayaa iyadu na isla maalmahaas si adag uga hadashay joogitaanka Somaliland ee Taleex. Dabadeed xaaladdii ayaa cirkaas is ku shareertay.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Qaramada Midoobay, Dawladda Maraykanka iyo Midowga Yurub oo Ingiriis hormuud u yahay ayaa si wadajir ah War-murtiyeed uga soo wada saaray xaaladda Sool iyo Sanaag. Gacan-ka-hadalka, weerarada isdabajoogga ah iyo bulshada la is ku dhex laynayo in la joojiyo oo deegaannada la ga saaro ciidamada, jeerkaasna wadahadal la gu dhammeeyo wixii is-maan-dhaaf ah ee dhinacyada dagaalamaya u dhexeeya ayaa ay ka dhawaajiyeen.

Somaliland ayaa war-murtiyeedkaas sida fiinta uga qaylisay oo af labadii yeedhay. Kal-fadhi ay yeesheen Golaha Guurtida Somaliland ayaa la gu cambaareeyay War-murtiyeedkaas, la gu na taageeray weerarka Somaliland. Maalintaas ayaa uu Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf oo ‘Cabdi-Waraabe’ la gu garan oggaa kalfadhiga ka hadlay oo muuqaalkan aan kaydkayga ku darsaday. Inkasta oo aan markii ugu horraysay magaciisa maqlay 2010, misna dharaartaas ayaa hadalkiisu si wanaagsan ii baray.

Dhawr arrimood oo mudnaantooda leh ayaa hadalkan kooban iiga baxay oo ay ka mid yihiin:

-Xaajigu in uu la dhacsanaa weerarka hubaysan ee Somaliland Sool iyo Sanaag ka waday, oo gar iyo daw sidaas u arkayay.

-In uu lexejeclo wayn ka qabay xidhiidhka soojireenka ah ee Ingiriiska iyo inta isaga la aragti ah ka dhexeeyay oo sida uu sheegay baho ay ahaayeen.

-In uu aaminsanaa in dal Somaliland la yidhaahdo uu jiro oo xadka Ingiriisku u sameeyay oo maamul kale aan la ga dhisin karin ayaa uu ka badheedhay.

-In uu aad u la dhacsanaa habdhaqankii Ingiriiska xilligii uu Waqooyiga joogay dawlad wanaagsan oo aan dadka dhib u gaysan in ay ahayd ayaa uu carrabka ku adkeeyay.

Eebbe ha u raxmado Xaaji Cabdikariim oo saaka Hargaysa la gu aasay. Nin dadkiisa jecel oo nabaddooda ka shaqeeya ayaa uu ahaa. Oday aan sida duqayda qaar cimrigiisa ceeb ku sagootin oo hungurigu aannu haggin ayaa uu ahaa. Intaas ba waa aan u qirsanahay Ilaahay ayaa been caayaye. Laakiin ma ahayn Halyeey iyo Oday Soomaaliyeed oo Soomaalidu ku wada badhaadhay. Ma ahayn guurti nabadda, cadaaladda iyo xoriyadda si siman u la wada jecel Soomaalida ama xitaa Waqooyiga keli ah. Inta Joogitaanka Somaliland ee Sool iyo Sanaag u aragta duulaan, inta dareensan in Ingiriis xasuuq ka gaystay Taleex, xilli uu Xaaji Cabdikariim kuray ahaa oo in uu qariyay u aragta, inta Gooni-isu-taagga ka soo horjeeda ee midnimada taageersan, inta ku barakacday, dadkoodii ku dhinteen ee ku dhaawaceen dagaalada Somaliland sababtooda lahayd ee Xaaji Cabdikariim xilligaas u doodayay, wax kasta oo la akhriyo ka degi mayso nin nabad jecel buu ahaa oo muraayad kale oo foolxumaynaysa ayaa waayuhu u xidhay.

Eebbe ha u raxmado isaga iyo muslimka kale ee Eebbe oofsadayba. Waa na u tacsiyadaynayaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka dhintayba oo Ilaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo ayaa aan leeyahay.

W/Q Aadan jaamac Oogle