
Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo labada gacmood silsiladi kaga xidhan tahay ayaa maanta la horgeeyay Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Guddoomiyaha Maxkabadda gobolka maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka.
Guddoomiyaha ayaa ku dooday in aannu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkabadeeyo xildhibaan aan golihiisu xasaanadda ka qaadin.
Ciidamada Booliska ayaa dib ugu celiyay xildhibaanka xarunta CID-da oo uu ku xidhan yahay.
Xildhibaan Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa ka soo horjeestay xuska maalinta 18 May oo uu ku tilmaamay maalin madow, kadibna ciidamada ayaa xidhay.

45 total views, 1 views today