600 Deg Deg:Dawladda Soomaalia Oo Si kulul Ugu jawaabtay kenya. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Dawladda Soomaalia Oo Si kulul Ugu jawaabtay kenya.

Muqdisho{ Khaatumonews }Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay dowladda Kenya ee ah in duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nayroobi loo leexiyay magaalada Wajeer.

Dowladda Soomaaliya ayaa talaabadaas ku macneysay mid culeys lagu saarayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirka derisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isu socodka labada shacab” ayaa lagu yiri qoraalka.

DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo qaranannimadeeda, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Kenya in ay dib u fiiriso tallaabadan culeyska ku ah ganacsiga iyo isu socodka labada shacab ee walaalaha ah. DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa tallaabada ku haboon ee ay qaadeyso.”

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...
Deg Deg:Sadex Qodob Oo Mucaaridku Soo Jeediyen Caawa
- Feb 24, 2021
Sida aan xogo muhiim ah ku maqlay waxaa socoto waan waan aanan qiyaasi karin ...
Deg Deg:-Indha Cadde oo Raali Galin Bixiyay
- Feb 24, 2021
Sida ay shaaciyen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ...
Deg deg Daawo; Dekada Bosaas Oo Laga SO Dajiyey Lacagta Imaraadka
- Feb 23, 2021
Dekada Mgalada Boosaasso waxaa Maanta Ka So Degtay Lcag Badan Oo Ka Timid Imaraadka ...