Waxa maalmihii udambeyay Baraha Bulshada la isla dhex-mareyay warar kala duwan oo ku saabsanaa in Dowladda Turkigu u diiday bulshada reer Somaliland ee dalkeeda ku nool inay xusaan Munaasibada 18-May.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, C/naasir Axmed Xirsi oo wax laga weydiiyey arrinkaasi, ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyey arrintaasi, isagoona eedo usoo jeediyey Dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri:

“Waxa ku nool dalka Turkiga jaaliyad iyo ardey u dhashay Somaliland, sanadihii hore ee lasoo dhaafeyna munaasibaduhu si caadiya ayey u dhici jireen oo ay u qabsan jireen, Baraha bulshada waxa ku jira in xaflad ay qabsanayeen ardeyda Somaliland ee wax ka barata dalka Turkiga magaalada Ankara laga joojiyay, iyadoo sababo kala duwan iyo tafaasilado kala duwan laga bixiyey, ardeyduna wey nasoo gaarsiisay cabashadooda oo toos-bey noola soo xiriirtay”.