Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Oo War Culus kaga Dhawaaqday Garoowe

Garowe{ Khaatumonews }Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay shirka ay magaalada Garowe ku leeyihiin Madaxwaynaha dalka, Ra’iiusl Wasaaraha iyo madaxda dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khadar ayaa madaxda ugu hambalyeeyay shirka oo ay uga tashanayaan aayaha dalka, waxaana uuna rajeeyay in shirka ay ka soo baxaan natiijooyin wanaagan oo wax ka tara mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku tilmaamay shirka mid ku socda si habsami leh, waxaana uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbayday is garab istaagaan madaxda dalka una duceeyaan.

“Meel fiican ayuu marayaa shirkan, waxyaabo badan ayaa la isku afgartay, inta hartayna xalinteeda meel fiican ayey marayaan intaan ka war hayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.