600 Cabdiraxmaan Cirro Muxuu ka yidhi Wdahadalka Dawladda iyo Maamulka Somaliland, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Cabdiraxmaan Cirro Muxuu ka yidhi Wdahadalka Dawladda iyo Maamulka Somaliland,

Hargaysa{Khaatumonews}Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani,Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo dhowaan warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa xisbiga Waddani, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey mowqifkooda ku aadan Wada-hadalada Soomaaliyo iyo Somaliland.

Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in xiligan aysan munaasib aheyn in Wada-hadal lala furo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciro ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay kala qeybisey bulshadii reer Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in wada-hadaladaasi ay ka horeeyan in bulshada Somaliland la mideeyo.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu yiri “Xukuumadda Somaliland iyada oo leh boqolkiiba konton shacbiga waan ka maarmay, oo aan rumays nahay kontonka ay tirsanaysaana in aanay maanta kalsooniba ku qabin, waxaan qabaa inaanay ahayn waqtigii ugu haboona ee ay bilaaban lahaayen wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xisbi ahaan Anaga oo mabda ahaan ogol in la wada-hadlo haddana waxa ka horeeya in aynu gurigeena hagaajino, inaynu shacbiga midayno, in aynu tacadiga, xeer jebinta iyo ku tumashada shuruucda, jidh dilka shacbiga iyo xariga ka dayno oo inaga oo midaysan oo shacbigu gudaha ka midaysan yahay ayuu gali karaa in uu la hadlo”.

Marka ay ku haboonaato in wada-hadal la galo waxa loo baahan yahay in qorshihii hore iyo istaraatijiyaddii hore wax laga bedelo loona diro dad ka midho dhalin kara, wada-hadal kasta oo la galayaana waa inay u dhanaadan metelayaasha shacbiga oo uu ka mid yahay xisbiga Waddani”.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:-Ciidanka Somaliland ee Tukaraq Oo Iska Dilay Sarkaal
- Feb 26, 2021
Taliyaha Madaaficidda ee Ciidanka Somaliland G/sarre Cali Cawaale ayaa ku dhaawacamay gadood ay sameeyeen ...
Deg Deg:ciidanka Somaliland oo Ka Baxay Gobolka Sanaag,
- Feb 26, 2021
Ciidamada millatariga Somaliland ee nabad ilaalinta u joogey deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, ayaa ...
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...