600 Deg Deg:Sacuudiga Oo ka shaqeenaya Arrin halis ku ah Muslimiinta Falastiin | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Sacuudiga Oo ka shaqeenaya Arrin halis ku ah Muslimiinta Falastiin

Xukumada Sacuudiga ayaa madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas u yaboohay 10 bilyan oo dollar si uu aqbalo qorshaha Mareykanka ee loogu magac daray “heshiiska qarniga”, kaasi oo si rasmi ah magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda, waxaa sidaas wariyey wargeyska Al-Akhbaar ee dalka Lebanon.

Wargeyska ayaa weriyey in kulan dhex maray Abbas iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed Bin Salman loogu soo bandhigay hoggaamiyaha Faalstiiniyiinta faah-faahin ku saabsan heshiiska Mareykanka, loogana codsaday inuu aqbalo.

Sida warbixinta ay tiri, Bin Salman ayaa weydiiyey Abbas “Waa imisa miisaaniyadda dadka kugu hareereysan sanadkii? Abbas ayaa kadib ku jawaabay “Ma ahi amiir, si aan u yeesho dad igu hareereysan.”

Bin Salman ayaa kadib u yaboohay 10 bilyan oo dollar muddo 10 sano ah, haddii uu aqbalo qorshaha Mareykanka oo ay ku jirto in dowladda Falastiin ay ka guurto magaalada Jerusalem, islamarkaana xarun ka dhigato Abu Dis

Abbas ayaa la sheegay inuu diiday yabooha Bin Salamn kuna qeexay “dhammaadka noloshayda siyaasadeed”

Saraakiisha Falastiin ee  ku sugan magaalada Ramallah ayaa diiday inay ka jawaabaan shaac kaa qaadista arrintan.

Qorshaha Mareykanka oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn ayaa wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner waxa uu sheegay in shaaca laga qaadi doono kadib bisha Ramadan. Waxaa aad loo rumeysan yahay in qorshahan ay qeyb ka tahay in Falastiiniyiinta ay ka tanaasulaan magaalada Qudus, laguna wareejiyo Yahuudda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horey Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...