600 Deg Deg:Donald Trump, Oo Si yaab Leh Uga Hadlay Bisha Ramadaan, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Donald Trump, Oo Si yaab Leh Uga Hadlay Bisha Ramadaan,

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa farriin uu xalay soo saaray muslimiinta dunida ku hambalyeeyay, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan,

Farriintan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee aqalka cad, ayaa Trump si cajiib ah uga hadlay fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan

Waxaan salaam diirran u dirayaa dhammaan muslimiinta u dabbaal-degaya bisha Ramadaan” ayaa Trump ku bilaabay farriintiisa.

Mr Trump ayaa sheegay in Ramadaan tahay, markii Qur’aanka kariimka ah lagu soo dejiyay nebi Muxamed SCW, oo qoysaska iyo bulshooyinka muslimka ah ay ku maamusaan Qur’aan akhris, khushuuc iyo salaad

“Ramadaanta, muslimiintu waxay soomaan laga bilaabo waaberka ilaa makhribka iyagoo Qur’aanka akhriya, shaqooyin wanaagsan qabta, dadka kalena u samafala, waxaana ay arrimahaasi u samaynayan, si ay u gaaraan safarka noloshooda ee ku jihaysan in ay naxariista Alle helaan” ayuu yiri Trum

Bishan gudaheeda, dhammaanteen waxaan haysannaa fursad aan kaga fekerno nimcooyinka Alle na siiyay, waa in aan si wadajir ah uga shaqeynaa saaxiibnimada iyo kalgacaylka dhexdeenna ah, waxaan xaqiijin karnaa bulsho ku nool isku duubni iyo ixtiraam” ayuu sii raaciyay

Ugu dambeyntii, wuxuu farriintiisa ku geba-gabeeyay in isaga iyo xaaskiisa Melania, ay khayr badan u rajaynayaan muslimiinta dunida ee ay u bilatay Ramadaan

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...