Hargaysa{ khaatumonews }Dowladda Mareykanka ayaa muwaadannimada kala laabtay Imaamkii hore ee masjidka Al-Saabir ee magaalada Portland ee gobolka Oregon kadib markii uu tagay Hargeysa, toddobaadkii tagay.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye ayaa horey ugu jiray liiska dowladda ee dadka aan duuli karin, hase yeeshee dowladda ayaa u habaysay safar uu dalkiisa Soomaaliya dib ugu laabanayo, kadib markii uu heshiis la gaaray dowladda bishii Janaayo.
Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in Sheekh Maxamed uusan ka hor-iman dowladda oo kala noqotay dhalashada, islamarkaana wuxuu qirtay inuu been u sheegay saraakiisha hay’adda socdaalka, markii uu dhalashada Mareykanka qaadanayey bishii July ee 1997-kii.
Sheekh Maxamed oo 57 jir ah ayaa arbacadii tagtay wuxuu diyaarad ka raacay magaalada Seattle, taasi oo gaysay Dubai, wuxuuna uga sii gudbay magaalada Hargeysa.
Bishii October ee 2018, garyaqaananda dowladda ayaa maxkamadda racfaanka ee federaalka u sheegay in Sheekh Maxamed lagu daray liiska dadka aan duuli karin sababo la xiriira taariikhdiisa hore.
Waxa uu ahaan jiray dagaal-yahan ka tirsan kooxda Mujaahidiin ee dalka Afghanistan kula dagaalamay ciidamada Ruushka ee qabsaday. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu taageero jihaadka hubaysan, kadib markii la dhageystay cod si sir ah looga duubay
