DAAWO:Dhulbahantihii laascaanood Bilaabay Dhaqan yaab leh,

Hore ayaa loo yidhi Wax nin la qurux Badan Ninkale Ayay la wacan tahay Soomaaliduna waxkasta Hore ayay uga Maahmaahday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Magaalada laascaanood maanta waxaa ka dhacay wax ku cusub indha shacabka Gobolkaasi.

Waa madal Kulmisay beelaha Ugaadhyahan Wacays Cabdile Bahrarsame iyo Yaxye Cabdlle Ujeedkuna waxaa uu ahaa Bixin Gabadh.

Maaha wax Cusub In Laba ardaa Is weydiistan Gabadh Balse wax kala tan Ku hoos Jira,

Oday kamid ah Jifida Doonasa Gabadha ayaa ku bilaabay hadalka “Anoo ku hadlaaya afka Beelah Isku xawilan Ee Nuur Axmed iyo Bahrarsame Oo Wiilka Dhalay Macnaha abtiyaashi iyo Tolkii waxaanu weydiinasana Beelaha iyana Isku xawilan Ee Wacays Cabdile iyo Yaxye Inay nasiiyan Najma”

Intaas Marku kaga Baxay hadal waxaa kacay Odey kale Isla ardaaga Wiilka Ah Lana Akhqaraaray Weedha odayga ka soobaxday waxaana u yidhi“Waligay Ma maqal Beelaha isku Xawilan hada Gabadh kasta Aabana waa dhalay Abtina waa leedahay mid cidlo taagana majirto laakiin isku rarankan oo kale waa i kow’

Si kastaba ha ahaate Madashan ayaa mooda in Reerkii Dhulbahante ahaa sida Shisheeya isku Weydiisanayan Hablaha.