Warbixin:-Soomaalida Sooman Yaa Soomiyay,Kuwa Furan Yaa Afuriyay,

Dalka soomaaliya Oo kamid ah Dalalka islamka ee Boqolkiiba la odhan Karo Boqol Dadkiisu waa Dad Islam ah ayaa bisha Ramadan aad loogu kala Baydhay Soonkeeda.

Caawa Soomaalida qaar waa soman tahay mana arag Bil waxayna Leeyihiin sodonkii Shabcaan dhamaatay waxaa laga arkay Bishii Dalka Sacuudiga oo ah Halka Islaamka laga Hogaamiyo marka hadii Halkaasi laga arkay waanu Soomayna oo dadkaasi waxaa ay U tahay Ramadan Kow.

Qeyb waxaa ay leeyihiin Anagu Bil Maanan arag Bishuna Sodon Kaliya Kuma dhamaato Mana soomano Hadaanan arag oo Nabi Muxamed NNKH  Waxaa uu yidhi aragna Ku Sooma aragna Ku afura.

Hadaba Su aasha Is weydiinta leh ayaa ah somalidan Badhna Sacuudiga laga arkay Ku Sooman iyo Shabcaan waa 30 Qeybina Leeyihiin Arag ayaanu ku soomana Aragna waa ku afurana Kee Saxan?

Maaha markii Koobaad Ee Sidan oo kale La isugu Khilaafo Dhalashada Bisha Ramadaan.

Si kasataba ha ahaate waxaa xusid mudan in soomaalidu tahay kuwo kala Firqooyin ah xaga diinta oo bisha ramadaan oo kaliya aysan ahayn waxyaaba ha ay isku khilaafan balse ay jiran waxyaabo badan oo la isku khilaafo