600 Deg Deg Daawo Video:Muuse Biixi Oo Ka Hadlay xaalada Sanaag. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Muuse Biixi Oo Ka Hadlay xaalada Sanaag.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u ilaashan lahaayeen nabadgelyada iyo wada-jirka dhexdooda ah, islamarkaana ay meel ugu soo wada jeestaan wax kasta oo ammaanka qaranka khal-khal ku keeni kara.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Biixi Cabdi oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, ayaa si gaar ah diiradda u saaray qiimaha ay nabaddu leedahay, waxana uu hoosta ka xarriiqay in mar kasta oo ay dhibi dhacdo in ciidamada iyo shacabka waajib ka saaran yahay ilaalinta nabadgelyada, isaga oo caddeeyey in ciidamada ku sugan degmooyinka Ceel-Afweyn, Ceerigaabo iyo Gar-adag ay tahay ilaalinta nafta iyo hantida bulshada halkaas deggen, waxana uu yiri:

Waxan idin xasuusinayaa walaalayaal inay nabadgelyadu tahay tiir-dhexaadka aynnu ku dhisannahay, qof walibana uu halkiisa uga guntado. Saddexda degmo ee imika dhibaatadu ka jirto oo dad badani si qaldan uga bixiyeen in nabadgelyada la sugo, waxan leeyahay marka ay dhibaato dhacdo waxa waajib saaran yahay qaranka, xukuumadda iyo shacabkaba in nabadgelyada gacmaha oo dhan la isugu geeyo, ciidamada halkaas loo dirayna waxa qudha ee ay qabanayaan waa inay ilaaliyaan nafta iyo hantida ummadda Somaliland iyo amniga guud, dalkana inay wax u taraan mooyaane wax hadimo ah ma wadaan”.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...