Maamulka Jubbaland ayaa noqday Dowlad goboleedkii saddexaad ee kasoo horjeesta Sharciga doorashooyinka oo khamiistii shalay aheyd ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Horay waxaa uga horyimid,isla markaana Sharcidarro ku tilmaamay ansixintaas maamulada Puntland iyo Galmudug,waxaana haatan kusoo biirey Maamulka Jubbaland.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in sharcigaas aan lagala tashan anisixintiisa Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS,isla markaana uu yahay mid waddo sharcidarro ah loo maray.
Jubbaland ayaa sidoo kale War-Saxaafadeedka ku sheegtay in marnaba aysan aqbaleyn go’aan kasta oo la gaaro oo kasoo horjeeda Dastuurka dalka,waxaana Beesha Caalamka ay ka dalbadeen in aysan aqbaleyn go’aano ku tagrifal awoodeed ah oo ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka.
